Boobka ay ku hayaan shacabka Muqdisho Yariisow & Maxamud Cali Ugaas (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Inj. Yarisow ayaa boob ba’an ku haya dad shacab ah oo guryahooda laga dumiyay xilli ay bilow tahay bisha barakeysan ee Ramada.

Shacabka guryahooda la duminayo ayaa ku eedeeyay Inj Yarisow in uu dhulka u dhacayo Maxamud Cali Ugaas oo raba in uu iibsado. Waxaa beryahan danbe isa soo tarayay in Gud Yarisow uu wakiilka dhulka u yahay Maxamud Cali Ugaas oo ah ugaaska beesha Abgaal.

Ma jiraan xildhibaano ay u dacwoodaan iyo dowlad ka qabata dadka masaakiinta ah ee boobka lagu hayo.