Boobo Ducaaale oo ka mida waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay gudiga uu soo magacaabay Farmaajo isaga oo ku tilmaamay Farmaajo in uu yahay nin waalan oo wali wax ka baran taariikhda Soomaaliya.
Boobe oo la hadlay TV Saab ayaa yiri “Farmaajo dadkii ugu nacaybka badnaa Somaliland ayuu damac ka galay in ay hor fariistaan Somaliland”. Boobe Ducaale ayaa ka hor yimid shaqsiyaalka la magacaabay, sheegayna in ayan Somaliland marnaba la fariisanaynin gudiga u badan dad danbi horay uga galay reer Somaliland.
Farmaajo ayaa u muuqada mid ku dhex waashay siyaasadii Soomaaliya oo kala garan la’ xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulka Soomaalida iyo waxyaabaha dhoodhoobka ah. Dhowr asbuuc ka hor ayuu dad qoyskiisa ah u magacaabay in ay shirka Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay Nairobi uga qayb galaan, markii laga horyimid ayuu hadana waxa uu soo magacaabay dad odoyaal u badan oo aan wax badan kala socon xaalada Soomaaliya iyo Somaliland, qaarkoodna dib horay u galeen.
Halkaan ka daawo waraysigii Boobe Ducaale: