Bom gacmeed lagu weeraray ciidamada canshuuraha Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay halkaas weerar loo adeegsaday bomka gacanta.

Waxaa laga soo sheegayaa Degmada Afgooye in weerarkaas ay ku dhaawacmeen seddex qof oo shacab ah iyo labo ka mid ah ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashey bam gacmeed lagu weeraray.

Dad ku sugnaa deegaanka qaraxa ka dhacay ayaa sheegey in qaraxa bam gacmeedka loo adeegsadey uu ku geeriyoodey hal askari oo ciidanka la weeraray ka mid ahaa.