Boliska Kenya oo Warbahinta Uso Bandhigay Hub Iyo Ragi Watay

Reading Time: < 1 minute

Booliska Dalka Kenya aya Neyrobi ku so bandhigay rag iyo hubkoda oo ay shegeyn in ay donayen in ay weerar ka geystan gudaha magaalada.

Taliyaha ciidanka Booliska kenya Joseph Boinne ayaa ugu horeyn sheegay in ay hubka iyo walxo qarxa ay ku soo qabteen howlgal ay ciidamada amaanka Kenya ka sameeyeen magaalada Mairobi.

waxaa uu intaas ku daray in ragga watay hubka laga soo kala qabtay magaalooyinka Merti iyo Nairobi , kuwa laga qabtay Nairobi na ay ku sugnaayeen Hotel.

Taliyaha Booliska mar uu faah faahinayay hubka ay soo qabteen ayuu sheegay in ay ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taas oo uu tilmaamay hadii ay Shabaab ka ku qarxi lahaayeen Nairobi ay galaafan lahayd boqolaal shacab ah , sidoo kale na uu bur burin lahaa dhismooyin badan iyo dhul.