Boliska Kenya oo Lacago Dul Dhigay Sarakil Ka Tirsan Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Laamaha Amaanka Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday baadi goobka Sarkal sare iyo shan qof oo xiriir la leh Al-shabaab kuwaasi oo lagu eedeyay inay dhowr weerar ka geesteen gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Sarakiisha Amanka Kenya Waxa ay lacag gaareysa 20,000 oo doolarka Mareykanka qofkiiba ay dul dhigeyn, cidii macluumaad horseedi kara in lasoo xiro shaqsiyaadkaas lagu abaal marin doonaa lacagtaasi.

Magacyada ragaasi aya lagu shegay Issack Alio Mohammed oo ah muwadin Kenyan ah oo ku taqasusay qaraxyada iyo Abdiwhab Osman, Hareth Hillow, Kusow Yarrow iyo Mumina Erobe oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay ku howlan yihiin weeraro ay ku qaadan gudaha dalka Kenya.
Shacabka kenya aya laga dalbaday inay soo gudbinayaan macluumaadkaan kooxdaan u abaabulan qaraxyo ay ka gaystaan magaalooyin ay caasimada kamid tahay.