Diyaarad sidda eedeysane Dable Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Kordamac dil ugu geystay Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka Boliiska Soomaaliyee ayaa soo cagadhigtay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xeerilaalinta ciidamada ka dacweeyay eedeysane Zakariye Cali. Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan, taas oo caddeyn u ah in cidna aanay ka baxsan karin awoodda sharciga.
Garoonka waxaa ku sugnaa Ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale.