Beyle oo sheegay inay uga soo dhamaatay Soomaalinimo, hoygiisiina ku laabtay

Reading Time: < 1 minute

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Abdirahman Ducaaale Beyle ayaa maanta gaaray caasimadda dalka laga magac baxay Somaliland ee Hargeysa, kadib muddo dheer oo uu ka maqnaa deegaanadas.

Beyle oo tan iyo markii uu isaga tagay Muqdisho bartamihii 2022, ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa cafis ka dalbaday asbuucyo ka hor Dowlada S Somaliland, waxaana sugitaan dheer iyo shuruudo lagu xiray oo uu aqbalay loo ogolaaday in uu maanta ka dego Hargeysa.

Beyle ayaa horay u sheegay inay kaga soo dhaamaatay midnimo iyo Soomaalinimo, isla markaana uu garawsaday inuu dib ugu soo noqdo deegaankiisii. Bayle ayaa horay lacag la sheegay in laga soo dhacay dalka Soomaaliya uu ku maalgaliyay mashaariic laga hergaliyay Somaliland

Sida uu horey u xaqiijiyay, Cabdiraxmaan Beyle ayaa intii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS ee dawladdii Madaxweyne Farmaajo, dhameystiray dabakh weyn oo uu ka yegleeshay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Beyle uu cafis ka dalbado, tagona Somaliland, balse xogaha ayaa sheegaya in arrimo gaar ah uu u gaaray halkaas.

Somaliland oo in kabadan 30 sano sheeganaysa in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka go’day, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadeeda ee xilalka ka qabta DFS u diida in ay tagaan deegaannada ay maamusho, iyadoo ka xirta shuruudo, cafis maxkamadeedna marisa si u gaaraan halkaas.