Beyle ha is Casilo ama ha ka Noqdo Canshuurta uu ku Dilayo Dadka Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

In Suuqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha uu xermo waa talada xumada dawladda Federaalka. Dawladda fedraalka waxay qaaddaa tallaabo kasta oo ay ku xanuujineyso dadka Muqdisho degan. Haddaba ilaa intee ayuu sii soconayaa hab dhaqanka noocan ah oo ay dawladdu waado. Dadka badankood waxay leeyihiin wuxuu sii socon karaa inta ay rabaan dadka Muqdisho degan. Ganacsatada waa bilaabeen inay muujiyaan dareenkooda, haddaba shacbiga reer Muqdisho ayaa laga rabaa inay garab istaagaan ganacsatada waayo ganacasatada canshuurta dadka ayey u gudbiyaan oo ganacsade ma khasaaro.

Haddaba saaka Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayey albaada iskugu dhufteen kadib markii uu Wasiirka Maaliyadda ee Federaalka uu Canshuur gaar ah ku soo rogay ganacsiga gobolka Banadir. Ganacsatada wax kala soo dega dekadda Muqdisho ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan cabashadooda iyo xernaanta suuqa maadaama uu wasiirka Maaliyadda ee Fedraalka uu dhegaha ka fureystay cabashadooda madaxweynahana uu sidii lagu yaqaannay afka xertay.

Bal qiimee qofkii dareenlahow inta Qof ee ay maanta saameyneyso xeridda Suuqa min Caseeye iyo milkiile. Hasa yeeshee Beyle waxaa uu dhexjifaa qof uu AC ku xeran yahay oo qabow  qof uu ka naxana ma joogto Xamar. Caruurtiisa waxay u jiraan Mareykan ehelkiisun awaxay u jiraan Boorame. Cidda caruurta ka ba’aysaa waa dadka Xamar degan. 

 “Waxaan go’aansannay inaan xarumaha ganacsiga suuqa Bakaaraha xerno sababtoo ah canshuur aan la awoodi Karin oo ay wasaaradda Maaliyadda Na dulsaartay” ayuu yiri Axmed Xasan oo Telefoonka ugu warramay MO.

Xerista suuqa waxay timid markii uu burbur ku dhammaaday wahadalladii ganacsatada iyo Wasiirka Maaliyadda ee Federaalka Cabdiraxman Ducaale Beyle.

Wasaiirka ayaa shir saxafadeed uu muqdisho ku qabtay si jees jees ah u yiri ganacsatada Muqdisho kismaayo ha aadaan haddii aysan bixineyn Canshuurta cusub ee aan dul dhigay. Hadalkaan oo ah mid aflagaaddo ah wasiirka kama bixin wax cudur daar ah ilaa iyo hadda.

Dawladda Fedreaalka waligeed canshuur kama qaaddo gobollada dalka oo dhamaan waxaa laga masruufaa dusha dadka Xamar deggan. Arrintaan waa waxa keenay inay burburto dawladdi kacaanka oo xaq darrada la dhimatay, tanna haddaan xaqa la soorin  waxay ku dambeyneysaa burbur.

Dadka xamar waxay tirsanayaan in aan loo caddaallad falin. Halkaan waxaa ka muuqata in dawladda Federaalka ay dadka Xamar deggan ula dhaqanto si aan sax ahayn walow ay iyagu ka mas’uul yihiin.

Degaannada dalka madaxdooda iyagaa doorta sida Cabdiweli, Xaaf, Waare, Sh. Xasan iyo Axmed Madoobe laakiin Yariisow dusha ayaa laga saaray goboka Banaadir gefkaan ay dawladda dhexe ka gashaa dadkana waxba kama oran karo oo haddii uu hadlo waa la badalayaa, laakiin C/Weli iyo Madoobe shacabkoodaa badali kara.

Canshuurahooda iyaga ayaa isticmaala, waxaana mar waliba lagu saleeyaa awooddooda canshuur bixineed.

Haddaba dadka reer Muqdisho waxaa laga rabaa inay aayahooda cidna u daba fadhiisan. Haddii caasimadda ay tahay waxa dhibaatada u keenaya iyada dhanba ha diideen. Waayo inay xaqooda la maqan tahay caqli ma ahan.