Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lacag badan waxa uu ka qaatay dowladda Kenya, isaga oo u fsaxay iney waxay doonaan ka sameystaan degmada B/xaawo.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, ayaa Marqaati Online waxa uu u sheegay in Axmed Madoobe uu soo qaatay 8 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, islamarkaana laga dalbaday inaanu ka hadal oo kaliya arrinta B/xaawo.
Arrinta ugu yaabka badneyd ayaa waxay ahayd, kadib markii maamulka degmada B/xaawo inta shacabka fagaare isugu waceen misane u sheegeen in Kenya faraha laga qaado, howsheedana ay xaq u leedahay.
Waa arrin dad badan ka yaabisay, dowladda Federaalkana weli kama aysan hadal, boonka cad ee Kenya ka waddo B/xaawo.