Beesha Xawaadle oo ku baaqday in dib loo soo dhiso HirShabeelle lawada leeyahay ama….

Reading Time: < 1 minute

Kulankii beesha Xawaadle ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa beesha Xawaadla waxa ay  dowladda Federaalka ugu baaqday in dib loo soo dhiso Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Beesha oo mudo sadax maalin ah ka doodeysay waxa ay ku sheegeen cadaalo darada ka jirta HirShabelle ayaa sheegtay in maamulka HirShabeelle markisii hore si dhaqso ah lagu soo dhisay , kaas oo si cadaalad ahna aan beelaha wada dega awooda loogu qaybinin.

Waxaa waxa yaab leh ayaa in kulanka lagu diiday jiritaanka HirShabeelle uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku Xigeenka HirShabeelle Yusuf Dabageed, kaas oo halkaas ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska casilo waxa uu ku sheegay “kursiga gunimo”.

Beesha ayaa waxa ay dareen xun ka muujisay in beesha Abgaal  ay isku haysato jagada Madaxweynaha  iyo tii magaalo madaxda.

Sidoo kale Shirweynaha Beesha Xawaadle ayaa isla gartay in matalada iyo xilalka Beesha ka heyso dowladda Federaalka ay ka hooseyso miisaanka Beesha, waxaana loogu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg u saxaan arrintan.

Sida ay goobjoogaal u xaqaijiyeen MOL, hadalada ku qoran warmurtiyeedka ay ahaayeen kuwo qaboow oo dublamaasiyaysan balse waxa beesha isla garatay in ay ka soo dhacsadaan xaqooda dowlada Federaalka iyo tan HirShabeelle  hadii ayan helina xaqooda ay mucaaradnimo xoogan looga hortago hogaanka Madaxweyne Xasan Sheekh.