Beesha Waceeysle oo Gal-mudug 3-af wax uga raadineeyso & Go’aan cad 

Reading Time: < 1 minute

Doorashadda dhawaan la filaayo in ay ka dhacdo Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Gal-mudug ayaa waxaa isku haaya shaqsiyaad siyaabo kala duwan u ololeeynaayo,kuwaasi oo qaarkood ku kala daaban Dowladda iyo Xisbiyo mucaarad ah Waloow ay jiraan musharaxiin aan cidna ku daabneeyn oo iyagu gooni u socda.

Kuraasta loolanka adag geli doonta waxaa ka mid ah kursiga Gudoomiyaha baarlamaanka Gal-mudug kaasi oo ay doonayaan sedax shaqsi oo saameeyn xoogan leh waxaana ka mid Maxamed Nuur gacal oo Villa soomaaliya ay wadato si C/naasir Aadan Cusmaan oo aad looga cabsi qabo in uu booskaasi hanto,sidoo kale Cabdullaahi shiine ayaa isna ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Gudoomiye Baarlamaan.

Dad badan ayaa aaminsan in beesha waceeysle oo Sedax musharax ku leh Musharaxiinta u taagan qabashada xilalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha  in ay u midoobeen soo dhicista xaqooda horay loo duudsiyay.

Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo kasoo jeeda Ceel-dheer ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne,waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka looga cabsi qabo,taas oo ka dhigan in Waceeysle uu markaani rabo in loo dhiciyo xaqiisa.

Dhanka kale Gudoomiayaha Baarlamaanka shaqsiyaadka u taagan ayaa iyagana waxaa la aaminsan yahay in ay saameeyn siyaasadeed ku leeyihiin Gal-mudug,waxaana si aad ah uga baqanaayo Villa Soomaaliya oo wadata musharax u gaar ah.

Tan ayaa ka dhigan in beesha waceeysle ay hanan karto mid ka mid ah xilalka labada ah ee sare,taas oo ay markaan usoo qalab qaateen helideeda.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!