Beesha uu kasoo Jeedo Xildhibaan Cadoow Cali Gees oo Go’aan Culus ka Qaadaneeyso Dowlada Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan waxaa Weerar Lagu qaaday Xafiis uu Dekada Magaalada Muqdisho ku dhex lahaa Xildhibaan Cadoow cali gees,waxaana Banaanka lasoo dhigay Dhamaan Agabkii Halkaasi looga shaqeeynaayay

Weerarkaasi ayaa waxaa fuliyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka kuwaasi oo Amar ku qabay in ay Baneeyaan Gurigaasi uu Deganaa Xildhibaan Cadoow Cali gees.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa  waxaa kulamo kala duwan Mgaalada Muqdisho ku yeelanayaa Odayaasha Dhaqanka Waxgaradka Haweenka iyo Dhalinyaradda kasoo jeeda Beesha uu Xildhibaanka u yahay Cadoow Cali gees,

Shirarka oo Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay u dhacaayay si gooni Gooni ah ayaa la Rajeeynayaa in maalinta Khamiista ah uu dhaco Kulan Balaaran oo Warbaahinta loogu yeeraayo islamarkaana looga hadli doono Weerarka lagu qaaday Xildhibaanka.

Sida aan Wararka ku helnay Dowlada Federaalka ah ayaa loogu baaqi doonaa in ay Raal-galin ka bixiso weerarkaasi lagu qaaday Xildhibaanka Gurigiisa waliba asigoo maqan