Beesha Sacad oo si waayo-aragnimo ku jirta cashar ugu soo dhigtay Kheyre, kana biyo diiday qorshihiisa qar iska tuurka ah

Reading Time: 2 minutes

Kulankii beesha Sacad uga socday magaalada Gaalkacyo oo gabagabo marayo ayaa waxa laga soo saaray go’aano hordhac ah. Beesha ayaa waxa ay u gudbisay Kheyre qodobo ay ku tilmaameen in ay aasaasi u yihiin in maamul la wada leeyahay loo dhiso dadka ku dhaqan deegaanka Galmudug.

Beesha Sacad oo ilaalinaysa dareenka shacabka ku dhaqan Galmudug ayaa u sheegay Kheyre in Dowlad Goboleedka Galmudug ka kooban yahay labo Gobol oo wax isku darsaday, waa Mudug iyo Galgaduud.  Sidaas darteedna ay lama huraan tahay in awood qaybsigu ku salaysnaadaa  xubnaha uu ka kooban yahay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Beesha ayaa u sheegay Xasan Kheyre in degaanka lagu qaban karo dib u heshiisin iyo doorasho ay noqotaa meel dhex-dhexaad ah dadka oo dhana ay imaan karaan sidaa darteed degaanka ugu hobeen ee la isugu imaan karaana ay tahay Magaalada Gaalkacyo hadii aan iyada la heli karina wa magaalada Cadaado oo horay doorasho loogu qabtay.

Beesha ayaa ka dhawaajisay in ayan macquul ahaynin in go’gol dib u heshiisiineed lagu qabto magaalad Dhusamareeb oo ay joogaan kooxdii ka danbeysay xasuuq ka dhacay gobolada dhexe waliba aan laga heshiin. Waxa ay beeshu intaa raacisay in ayan suuragal ahayn in halkaas ay yimaadaan 11ka qabiil ee ku dhaqan Galmudug hadii xataa ciidamo dowlada Fedaraalka laga keenay ay la wareegaan halkaas. Sidaas darteed waa in uu iska ilaabaa in ay beesha Sacad ay tagto magaalada Dhuusamreeb.

Beesha Sacad ayaa iyadu soo jeedisay in ay ayagu  dhigaan gogosha dib u heshiiseed laguna qabto magalaada Gaalkacyo oo ah magaalo dhexdhexaad ah. Kheyre waxaa kalo loo sheegay in Doorashada Madaxweynaha iyo baarlamaanka ay ka dhacdo  magaalada Cadaado maadaama ay iyadu tahay Xarunta Baarlaamaanka Galmudug.

Waxa kale oo ay  beeshu sheegtay in hogaanka doorashada iyo dib u heshiisiinta ay hogaanka u qabtaan dadka degaanka dowlada dhexena ay banaanka ka istaagto oo ay dhexdhexaad ka noqoto.

Beesha Sacad ayaa waxa sheegeen in qaabkii horay awooda loogu qaybiyay beelaha dega Galmudug ay ku jiraan qalaadaad badan oo u baahan in la turxaan bixiyo laguna soo dabaalo waaqica runta ah ee ka jira Galmudug. Sidaas darteedna ay muhim tahay in dib loogu noqdo awood qaybsiga beelaha.

Beesha Sacad ayaa sidoo kale sheegtay in Galmudug loo degan yahay qabiil iyo degaan sidaas darteed ayan jirin  koox si gaar ah tixgalin loo siinayo, taas oo ay ula jeedeen Kooxda Al Sunna Wajameeca. Si loo helo nabad waarto  waa in si qabiil iyo degaan ah loo qaybsadaa awooda iyo maamulka sidaas darteed Al Sunna waa in ay shirka ku timaada magac qabiil, iyada oo ah ka socoto beesha Ceyr.

Dhanka kale beeshu waxa ay si rasmi u ogoshahay isla markaana  taageersan tahay in Dhuusamareeb tahay xarunta golaha fulinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu danbeeyntii beesha Sacad waxa ay u sheegtay Kheyre in go’aanada ka soo baxa shirka Hobyo iyo kan Gaalkacyo la is waafajin doono isla markaana lala wadaagi doono beelaha kale ee ku dhaqan Galmudug.

Xasan Kheyre ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Dhuusamareeb isaga oo aan wadin balamihii uu  ka balan qaaday Kooxda AL Sunna Wajameeca oo ahayd in uu keenayo beesha Sacad iyo Saleebaan oo wada socda magaalada Dhuusamareeb. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay tilaabada xigta oo uu qaadi doono?  Maxuuse kala kulmid doonaa kooxda Al Sunna Wajameeca?