Beesha Sacad oo sheegtay in ciidankeeda la qaramaynayo marka kuwa Puntland iyo Jubbaland la qarameeyo

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre ayaa waxa uu  u sheegay Beesha Sacad in ciidankeeda ku jira Dowlada Goboleedka Galmudug la qaramaynayo taas oo macnaheedu yahay in ciidankaas laga kaxeynayo degaanka ay joogaan  loona diyaro degaano kale oo ka baxsan Galmudug

Hadalka ka soo yeeray Xasan Kheyre ayaa ku noqday beesha Sacad waxa lala yaabo madaama uu yahay mid aan ka tarjumaynin waaqica ka jira Soomaaliya. Sidee baa ciidan beeleed loo qaramayn karaa iyada oo aan Soomaaliya ka heshiinin dareenka colaadeed ee abuuray in aan la is aaminin? Dhanka kale sidee bay suuragal ku tahay in beelo gaar ah ciidan loo dhiso halka kuwa kalana la doonayo  in hubka laga aruuriyo.

Dadka ku dhaqan Gaalkacyo ayaa isweydiinaya hadii ciidamada jooga Jubbaland iyo Puntland yihiin ciidan ka soo jeeda belaaha degan Jubbaland iyo Puntland loona aqoon sanyahay in ayyihiin ciidan Qaran maxaa keenay in kuwa jooga Galmudug la yiraahdo waan qaramaynaynaa?.

Xasan Kheyre oo horay ugu sheegay beesha caalamka in dalka Soomaaliyeed ay nabadadiisa hortaagan yihiin belaha degan Gobolada Dhexe ayaa hada  u muuqada mid doonayo in beelahaas uu ka dhigo sacabooleey.

Mid ka mida saraakiisha ciidanka ayaa u sheegey MOL in ayan marnaba suuragal ahayn in ciidamada jooga Galmudug loola dhaqmo kuwa ka duwan kuwa jooga Jubbaland iyo Puntlad. Waxa uu yiri “nabada ka jirta gobolada dhexe waxaa sabab u ah ciidanka degeenka oo naftooda u huray in ay adkeeyaan amaanka dadka iyo degaanka Galmudugnin baa hada yimid oo doonayo in uu sacabooleey ka dhigo beelo gaar halka kuwa kalana lacag lagu siiyo in ay dhistaan ciidan u gaara ah