Beesha Sacad oo la wareegtay hogaanka iyo maamulka Hobyo & Reer X. Saleeman oo banaanka la dhigay

Reading Time: 2 minutes

Waxaa asbuucyadii u danbeeysay ka socday degaanada ay degan yihiin beelaha Saleemaan iyo kuwa Sacad wadahadalo iyo awood isku sheegasaho la xiriirta cida iska leh milkiilinimada  magaalada  Hobyo loogana danbeeynayo hogaankeeda.

Qurba joogta ka soo jeeda labada beelood ayaa dhankooda waxa ay magaalooyinka ay ku nool ihiin ku qabteen shirar ay ku soo saawreen baaqaq isdiidan oo ku saaansan cida iska leh magalaada Hobyo.

Beesha Sacad ayaa waxa ay ku doodayaan in taariikh ahaan leeyihiin degaankaas isla markaana ay tahay degmo ay 8% Sacad degan yihiin oo loo yaqaano beeshaas, halka beesha Reer Xaaji Saleemaan ay dhankooda sheegeen in ay iyagu leeyihiin magaaladaas.

Madaxweyne Qoor Qoor oo markii loo dooranayay Madaxweynaha Galmudug u balan qaaday besha Sacad inuu isagu u hibeyn doono degamada Hobyo iyo maamulkeeda ayaa durbadiiba waxa uu taaba galiyay hamigii beesha Sacad.

Maalinti shalay ahayd waxa degamada Hoyo loo magacaabay Gudoomiye Sacad ah kaas oo ay soo xusheen beesha Sacad halka Gudoomiye ku xigeena looga dhigay wiil ka soo jeeda beesha reer Xaaji Saleemaan.

Beesha Sacad oo doonaysao in ay meelmariso heshiiyo ay horay ugla soo gashay shurkado iyow adamo kaas oo lagu dhuisayo degamada Hiobiyo ayan marnaba ogolaanaininin beesha reer Xaaji Saleemaan la wareegaan hogaank magaaladaas.

Beesha Sacad oo doonaysa in ay qanciso beesha Reer Xaaji Saleemaan ayaa ku guulaysatay in in beeshaas ku qanciso waxa ay ku sheegeen “xil-wareeg” maamulka degmada Hobyo. Taas oo ay ku sheegeen in afartii sanaba hal beel ay hogaank qaban doonto.

Taasi ayaana ah waxa aan suugaral ka ahayn beesh Sacad oo ay ka go’an tahay in mar uun loo xalaaleeyo lahaanshaha iyo maamulka Degamada Hobyo.

Kulankii Beesha Reer Xaaji Saleemaan ku yeesheen magalaada Hobiyo ayaana ay ku cadeeyeen mowqifkooda ah in ay iyagu leeyihiin Hoboyo oo 75%-80% ay iyagu leeyihiin marnaba ayan ogolaanin in hogaanka magalaaladooda laga duudsiyo.

Dhanka kale Senator Cabdi Qaydiid oo kulan ugu  qabtay gurigiisa magaalada Hobyo wax garadka beesha Sacad ayaa ugu faanay beesha in uu soo dhiciyay degamada Hobyo, mas’uuliyada ay haatana saaran tahay beesha  Sacad inay adkeeyaan guushaas.

Waxaa kale oo uu shirkaas ku soo bandhigay wiilka loo magacaabay gudoomiyaa h degmada Hobyo  kaas oo uu isaga gacantiisa ku soo xushay.

Waxa aan wali cadaynin in beesha Reer Xaaji Saleemaan ay ku qanci doonaan talada Cabdi Qaydiid ee ah in afar sano ka dib ay beeshaas loo ogolaan doono in ay iyagu gudoomiye ka noqdaan magaalada Hobyo.

Dhanka kale, waxa gabi ahaanba banaanka la dhigay beelaha kale ee wax ka dega deegaanada hoos yimaada degmada Hobyo oo ay ku jiraan beelaha Shiikhaal, Saruur iyo Dir.