Waa wax la hubo in meeshii aad qof ka qaadatid aad mid kale uga tagtay iyadoo meeshii aad qabiil ama beel ka qadatid kuwa kale aad uga tagtay, waana qaabka ay dunida u shaqeyso.
Waxaa jira shakhsiyaad ama beelo nasiib iyo fursado waqtiga oo sadburiyey oo ay soo heleen una qaatay inay tahay sharci lama dhaafaan ah oo haddi cid kale wax loo garto ama loo arko waxa la qeybinayo inay ku haboon yihiin ka carooranaya oo dagaal afeed bilaabaya iyagoo xataa dhaleeceynaya shakhsiga beeshooda ah ee xilkaas loo dhiibay.
Inta badan marka laga hadlayo siyaasadda Somaliya beelaha Hawiyaha iyo Daaroodka oo siyaasadda Somaliya horbooda waa ku kala duwan yihiin. Tusaale MW Farmajo oo nin Daarood ahaa markii uu qoondada beelaha Hawiye u qeybinayey laguma qabsaneyn dooduna ma ahayn maxaad beel hebel uga dhigtay oo Hawiyaha dhexdiisa si cad isuma saluugu jirin, hoos ka tuur waa jiray, hasa yeeshee sida ay hada Beesha Daarood, gaar ahaan beesha Reer Diini oo marrexaan ah ay bannaanka ula soo istaagtay ma jirin.
Reer Diini mareexaanka dhexdiisa waqtiga iyo waayaha ayaa uga hiilliyey jilbaha ay beelwadaagta ku yihiin Marreexaan oo Marka laga soo bilaabo Maxamed Siyaad, Saacid Shirdoon, Cabdiweli Xiirane iyo Farmajo oo iyaga uun xilala iyo qoondada beesha soo qaatay waxay aamineen inaan mar waliba cid aan Reer Diini ahayn aysan Marrexaan matali Karin, waxayna dood adag hadda ka wadaan wasiir ku jira dowladda uu soo dhisay RW Xamza Cabdi Barre kaas ay leeyihiin waxaa uu ku gafay ruuxa aqoonyahanka ah ee uu wasiirka kaga dhigay awood qeybsigii Marreexaan. Xataa waxay yiraahdeen Wasaaradda Arrimaha dIbadda iyo RW Waxaa isku qaatay Kablalax Daarood oo Sade (Marreexaan ah ) waxaa la siiyey Wasaarad uusan Mudenyn.
Sidaas adrteed, Wasaaradda ma aha wasaarad Marreexaan u qalanta, wasirkana maaha reer Diini waana dooda ay wadaan Labada madaxdweyne ku/ Xigeen ee Jubaland iyo Galmudug.
Sidooo kale arinkaan waxaa ku qarabanaya oo dabada ka riixaya waa Farmajo iyo kooxdiisa oo raadinaya meel ay wax ka duraan.
Haddaba ma la soo koobo, Beesha Marreexaan inay la qabaan doodaan reer Diini iyo inkale ayaa laga sugayaa waxaana mudan inay iska baeri yeelaan daciifnimada loo geysanayo beshooda oo la leeyahay ma jirto cid aan Reer Diini ahayn oo beesha matali karta. Raar Diini kama mudna beelaha sharafta leh ee Marreexaan ee kale oo waligood u soo taagnaa difaaca dalka iyo dowladnimada xataa waqtigii Maxamed Siyaad uu dalka Xoogga ku haystay. Waxaa haboon in aan la qiima tirin walaalka xilka loo magacaabay iyo beesha uu hoose ee uu ka soo jeedo loona siman yahay dhalasho ahaan oo waa in la garab istaagaa si uu wax uga qabto hawsha muhiim ah ee loo igmaday oo ah tan ugu muhiimsan maanta dalka Somaliya oo dhan.