Beesha Raxan Weyn: Inta ay caddaalad raadin lahaayeen waxay ku bedeshteen lacag xasuuqi Galkacyo

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo dad ka badan 13 qof oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirrifle lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaan wali la soo qaban dhamaan dadkii ka danbeeyay xasuuqaas.

Xildhibaan Cabdi Qaybdiid iyo qaar kale oo ka soo jeeda deegaanka Galmudug ayaa waxa ay bilaabeen in ay lacag ka soo ururiyaan beelaha dega degaaka Galmudug taas oo la siin doono beesha Digil iyo Mirrfle.

Habeenkii xalay ahaa ayaa Beesha Sacad waxa ay waydiisatay Xasan Kheyre in uu wax ka bixiyo qaaraanka magdhawga lagu siinayo beesha Digil iyo Mirrifle. Kheyre ayaa magaca dowlada Soomaaliya ku deeqay $50,000 oo doolar. Waxaa wax lala yaabo ah in qasnahada dolwalda laga bixiyo lacag lagu bixinaayo magdhawga xasuuqq ay geesyteen dad la yaqaano heebtooda iyo eheladooda.

Waxaa dhanka kale waxa lala yaabo ah in gudigii ay soo direen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo intooda badan ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirrifle ay ku qancaan in lacag loogu badalao cadaalad.

Hadii ay talabaadaan qaadeen siyaasiyiinta Digil iyo Mirrifle waxa xaqiiq noqonaysa xanta lagu xanto siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirrifle kuwaas oo ah in lacag ku iibsadaaan sharaftooda iyo magaca qabiilkooda.
Dadka la xasuuqay waa in ay helaan cadaalad si kuwa kele ee ku dhaqan degaanka Galmudug ay u helaan nabad iyo qadarin.