Beesha Murusade oo ku eedeysay dowlada FS inay ka hiilisay, balamihiina uga baxay

Reading Time: < 1 minute

Beesha Murusade oo ah beelaha dega Gobolka Galgaduud ayaa in mudo ah waxa ay ka cabanayeen taakulayn la’aan kaga timid xaga iyo dowlada Federaalka.  Beesha oo ciidankaeedu  ku sugnaaa degaano kamida Gobolka Galgaduud ayaan wali galin si toos ah u galin dagaalka looga soo horjeedo Argagaxisada Al Shabaab.

Beesha ayaa ku eedeysay madaxda dowlada federaaalka inay iska dhagatireen codsiyo kaaga yimid beesha oo ah dhanka hubka iyo saanada ciidanka xureyn lahaa degaanada beeshu degto ee hoos yimaada Gobolka Galgaduud.

Ciidamada beesha Murusade  oo mudo dhowr bilood ah ku sugnaa magaalooyiinka Wabxo iyo Maxaas ayaa waxa ay ka soo baxeen deegaanadaas iyaga oo intoodii badnayd dib ugu  noqday magaalada Muaqdisho halka xildihibaanadii hogaamin lahaa dagaalka  ay iyaguna ay ku noqdeen deeganadooda.

Dhanka kale madaxda dowlada federaalka ayaa eeda dusha kaga tuuray hogaanka beesha Murusade oo awoodi waayay inay dhaqaale u huraan xureeynta deeganada beeshu degto ee Ceelbuur iyo deeganada hoos yimaaado.

Waxaa  sidoo kale eedeymo ka dhex jiraan beesha dhexdeeda  kuwaas  oo eeda inteeda badan dusha ka saaraya wasiirka Dastuurka  iyo Cadaalada Xasan Macelin oo gabay mas’uuliyadii loo doortay.

Maanta waxaa  iyagana idaacadaha ka hadlay xildhibaanada beesha kuwaas oo ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka  inay ka hiiliyeen beesha Murusade una hiiliyeen beelaha kale ee la daga beesha Murusade.