Waxaa labadii asbuuc ee u danbeeysay ka socotay magalaada Nairobi ee dalka Kenya olole la xiriirta doorasahada 2021 oo ay wadeen qaar ka mida siyaasiyiinta beesha Murusade iyo ganacsatadooda taas oo loogu ololeeynayo Musharaxnimada madaxweynanimada Xasan Cali Kheyre.
Kooxdaan ayaa waxa hogaanka u haya afar nin oo kale; Xildhibana Dhagdheer, Xildhibana Xuseen Iidoow, Ganacsadayaasha Ismaaciil Gooni iyo Cabdikarin Gaanbe. Inta ay joogeen magalaada Niarobi waxa ay shirrar gaar-gaar la yeesheen qaar ka mida xildhibaanada Kenya, musharaxiin, ganacsato kuwaas oo aan si gabasho lahayn u sheegayay in Xasan Kheyre yahay Musharax u taagan jagada Madaxweynanimada Soomaaliya.
Beesha Mariixaan oo magacooda eed looga galay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dusha saartay eedaymaha loo haysto Farmaajo ayaa ku baraarugay hagardaamada ay wadaan qaar ka mida hogaanka beesha Mursade.

Dhaqaalaha ku baxa kulumada lagu qabanaayo magalaada Nairobi ayaa waxa laga bixiyaa qasnada Dowlada Fedaraalka. Kulamadaas ayaa waxa si aan gabsho lahaynin loogu aflagaadeeyaa Madaxweyne Farmaajo iyada oo dusha looga tuuro dhamaan qalaldaadkii uu horay u galay Xasan Cali Kheyre.
Gacansade Ismaaciil Gooni ayaa u sheegay ganacsatada beesha Ogaadeen in dhibka ka jira Soomaaliya uu mas’uuliyadeeda leedahay Farmaajo “ Walaalayaal beesha Ogaadeen waxa la dagaashan waa Farmaajo iyo beesha Mariixaan, Xasan Kheyre wax shaqo uu ku leeyahay ma jiro, taasna waxaa daliil u ah Xasan Kheyre waligiis kama hadlin qadiyada Jubbaland, marar badana waxaa uu ka horyimid go’aano lagu waxyeelanynayo Beelaha Ogaadeen” ayuu yiri Ganacsade Ismaaciil Gooni.
Qaar ka mida ganacsadata beesha Mariixaan ayaa mar qura ku soo baraarugay dagaalka ka dhanka ah beesha oo ay Nairobi ka wado beesha Murusade, taas oo ay ku tilmaameen gaf aan la qaadan karin, islamarkaana ay jawaab ka bixin doono xiliga munaasabka ku ah.




![[Video] Xasan Sheekh oo Xoghayaha QM hor dhigay labo qodob oo xasaasi ah](https://i0.wp.com/muqdisho.online/wp-content/uploads/2022/11/04381F5F-EB2D-46AA-B307-7BEA09A7F6C4.webp?resize=218%2C150&ssl=1)





