Beesha Mareexaan oo uga digtay MW Xasan in Gedo la hooskeeno Axmad Madoobe

Reading Time: < 1 minute

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iiyo qaar kamida siyaasyiinta ka soo jeeda beesha Mareexaan  ayaa diiradu lagu saaray xaalka gobolka gedo.

Waxagaradka Beesha Mariixaan ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheekh in uusan marnaba isku dayin in degaanka Gobolka Gedo la hoos keeno Maamulka Axmad Madoobe. Waxaaana Madaxweynaha loo sheegay in si loo gaaro nabad waarta dib loogu noqdo dhismaha Jubaaland noqoto mid loo siman yahay.

Madaxweyne  Xasan Sheikh ayaa loo sheegay in siyaasada ka sokow   in deegaanada Gobolka Gedo ay ka jirto  xaalad adag oo bini’aadanimo aysana ka socon wax mashaariic ah iyagoona Madaxweynaha u sheegay in xuquuqdii gobolka gedo lagu siyaasadeeyey magaalada Kismaanyo.

Waxagaragdaka la kulmay  MW Xasan Sheekh ayaa ka codsaday inuu kala shaqeeyo jubbaland loo dhan yahay oo ka gudubta magaaalada Kismaanyo shacabka jubbalandna ay wada Lee yihiin.

Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaan weli mawqaf ka qaadan xaladda Gobolka gedo iyadoo kulama dhowr ah oo ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweynaha jubbaland ay kaga wada hadleen xaalka gobolka gedo.

Gobolka gedo ayaa tan iyo 2020 ka maqan gacanta Maamulka Axmed madoobe ee kismaanyo ka arimiyo waxaana guuldaraystay dadaalo badan oo horay Axmed madoobe isku dayey inuu dib ugu soo cesho Gobolka gacantiisa taasoo keentay dagaalo ay dad ku dhinteen