Beesha M. Saleemaan oo lagu eedeeyay in ay isku darsatay Jagadii MW, Wasiiradii iyo hogaanka ciidanka Puntland

Golaha Wasiirada uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxa ay keentay dareen colaad siyaasadeed oo ay kala tirsanayaa qabaa’ilada ku dhaqan degaanka Puntland.

MW Saciid Deni ayaa Golohiisa Wasiirada u kala qaybiyay labo, marka la isku daro 9 wasiir waxa la siiyaya beesha Majeerteen halka 5 ka mida sagaalkaas  laga siisyay beesha Maxmuud Saleebaan ee Majeerteen oo uu ka soo jeedo MW Saciid Deni. Qabaailada kale ayaa waxa loo qaybiyay 9 Wasiir.

Arintaan ayaa waxa  ay dib soo nooleysay dareenka horay looga qabay Puntland oo ahaa  inPuntland ay tahay degaan ay heystaan beesha Maxamuud Saleemaan oo ay ayagu isku bad-badalaan maamulkeeda,  cida madaxweynaha ka noqonaysana waxaa markastaa laga soo xushaa beesha Maxamuud Saleemaan.

Waxa hogaanka Punland horay isku xigsaday oo qabtay:

  1. Cabdullahi Yusuf (Cumar Maxamuud)
  2. Cade Muuse(Cusmaan Maxamuud)
  3. Cabdirahman Faroole (Ciise Maxamuud)_

Hadana dib ayaa loo soo bilaabay mar kale

  1. Cabdiwali Gaas (Cumar Maxamuud)
  2. Saciid Deni(Cusmaan Maxamuud)
  3. —————- (Ciise Maxamuud) – Madaxweynaha ku xiga Saciid Deni waxa uu laga soo dooran doonaa beesha Ciise Maxamuud

Arintaan ayaa waxa in mudo ka horjeeday beelaha ku dhaqan Sool iyo Sanaag iyo kuwa degan degaanka Mudug.

Beesha Carab Maxamuud Saalax ayaa waxa ay soo saartay warmurtiyeed ay uga soo horjeedo magacaabista Golaha Wasiiradda oo aan ayaga waxa wasiir ah laga siinin. Dhanka kale beesha Leylkase ayaa iyadana waxaa la siiyay hal wasiir oo ay ka biyo diideen ilaa iyo hadda.

MW Saciid Deni ayaa sheegay in aan waxba  laga badalaynin habka loo qaybiyay Golaha Wasiirada. Dad badan ayaa qaba in magaacista Golaha Wasiirada ay ka timid Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole oo ah shaqsiga gadaal ka maamulayo Madaxtooyada Puntland.   Salaadiinta Puntland ayaa iska fogeeyay in ayan wax shaqo ah ku laheynin  amaba aan lagala tashan magacaabista golaha wasiiradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here