Beesha Kuumade oo ku baaqday in shacabka Gobolka Banaadir maamul loo dhiso, mudnaana la siiyo

Reading Time: < 1 minute

Shirkii Beelweynta Kuumade oo maalmahan ka socday magalaada Kismaayo ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa Maqaamka Muqdishu iyo tixgalin la’aanta shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Warmutiyeed ka soo baxay gababadii shirka Beelweynta Kuumade ay ku baaqeay in ay laga salgaaro maqaamka Muqadishu isla markaana mudnaanta ay lahaayeen shacabka Gobolka Banaadir la siiyo sida ugu dhaqasiyaha badan leh.

Waxa isa soo taraya baaqa ka soo baxaya beelaha Soomaaliyeed kaas oo ku baaqaya in shacabka ku dhaqan Gobolka Banadir oo aan ku lahayn dowlada Dhexe  wakiil loo ogolaado in ay yeeshaan Maamul isaga isa oo doorta oo ka tarjumaya danaha iyo baahida shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Beesha Kuumade oo ah beel degta degaanada Gaarisa ee ka tirsan dalka Kenya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya iyo degaanka Jubbaland ayaa si aad leexleexad lahayn ugu baaqay in dadka ku dhaqan  Gobolka Banadir ay helaan maamul ay iyagu soo doorteen.

Muxyadiin M. Xassan oo ka  mida oday dhaqameedka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay shacabka beelaha Kuumade sida ay uga damqadeen dhibaatada lagu hayo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Waxa uu yiri waxaan soo dhaweynaynaa ugana mahadcelinaynaa shacabka Kuumade sida walaaltimada leh ay uga damqadeen dhibka haysta shacabka ku dhaqan Gobolka Banadir