Beesha Kuumade oo isku raacday in hal musharax uga qaybgalo doorashada Jubbaland. Waa kuma? (Daawo)

Reading Time: 2 minutes

Shirkii Beesha Kuumade ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaanyo ayaa waxaa ka soo baxay Warmurtiyeed lagu soo koobay go’aanadii ka soo baxay shirka,

Beesha ayaa ka hadashay dhibataada ay dowlada dhexe ku hayso beesha gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland. Waxa ay beeshu ku xustay qoraalkii maanta ka soo baxay dhamaan dhibaatooyinkii loo gaystay dowlad goboleedka Juubland.

Beesha ayaa isku raacday in doorashada la filayo in ay bisha Agoosto ka dhacdo Dowlad Goboleedka Jubbaland uu uga qaybgalayo hal musharax. Waxa ay beeshu go’aan ku gaartay  in Axmad Madoobe noqon doono musharaxa kaliya ee ku taagan magaca Beesha Kuumade.

Halkaan ka daawo Video isla markaan ka aqriso warmurtiyeedka ka soo baxay beesha Kuumade.