Waxaa maalintii shalay ahayd ku noqday magaalada Jowhar Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare. Safarka Waare ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii mooshin ay ka keeneen xildhibaanada Baarlamaanka Hishabeele. Hadabada inta uu ka soo bixin magaaladda Muqadishu ayaa waxaa lacag lagu kala gado Baarlamaanka oo u soo dhiibay Ra’iisal Wasaare Kheyre loogu keenay Garoonka Adan Cade.
Lacgataas waxaa garoonka Adan Cade ugu keenay Wasiirka Amniga Ducaale iyo Wasiir ku Xigeenka Cusmaan Daalo. Lacagta ayaa lagu sheegay in ay gaarayso $400,000. Lacagtaas ayaa waxaa loogu talagalay in lagu kala gado Xildhibaanada Hirshabeele si ay uga noqdaan mooshinka laga keenay MW Waare.
RW Kheyre ayaa u arka fashil siyaasadeed hadii MW Waare shaqada lacaga ceyriyo. MW Waare ayaa ah shaqsiga kaliya ee ku balan furay Dowlad Goboleedyadii kuna biiray darafka Dowladda Fedaraalka.
Habeenkii xalay ayaa waxaa MW Waare uu kulamo gooni gooni ah la qaatay labadda beelood oo kala ah Beeshs Jareer Wayn iyo Beesha Xawaadle. Beelaha kalana maanta ayuu doonayaa in uu si gooni gooni ah ula kulmo.
Beesha Jareer Weyne oo kulankoodii saacado qaatay ayaa MW Waare waxaa uu ka codsaday in ay ka noqdaan mooshinka. Waxaana uu u soo tagaay lacag $1,000 (kun) doolar qofkiiba. Beesha ayaa waxa ay aad uga xumaatay in caqliga MW Waare ee ah in uu sharafkoodii ku iibsado $1,000 qofkiiba. Isaga oo hadlaya oo fadhiya ayaa ay isaga istaageen oo ay ka dareereen. MW Waare ayaa isku dayay in uu ka soo dabo baxo laakiin waxa ay u sheegeen in uusan waqti iska lumin soo raadintooda.
Dhanka kale waxa uu la kulmay beesha Xawaadle oo ay ku jireen wasiiro. Waxa uu ka warbixiyay dhibka haysta iyo qaladaadka uu galay. Waxa uu u sheegay in beesha Abgaal uu marti u yahay waxkastaa oo ay codsadeena uusan ka leexan karin ilamaa Magaalo Madaxda Hirshabeele laga wareejiyo deegaanka magaaladda Jowhar.
MW Waare ayaa Waxa uu u balan qaaday in uu siinayo qofkiiba $2,000 si ay uga noqdaan mooshinka. MW Waare ayaa sheegay in mashaariic badan soo socto isla markaana uu qayb fiican ka sii doono beesha Xawaadle. Mid ka mida xildhibaanadda ayaa u sheegay in waxa uu shegayo ay been tahay lanana aamini karin. Waxa uu yiri “lacagtii yareeyd ee aad magaceyna ku soo qaaday ayaad kaligaa cuntay, ma waxaa noo sheegaysaa mashaariic iimaan doonta in aad wax naga siinayso, ma waxaad na mooday xoolo”. Beesha Xawaadle waxaa ay ka hadleen sida uu ugu tagri falay sharafkii iyo karamadii beesha Xawaadle. Qodobada kale ee kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa; magacaabista Yusuf Dabageed, qandaraasyadda DG Hirshabeele bixiso iyo kalsoonida beenta ah ee uu siiyay Dowladda Fedaraalka.
Beesha Caalamka ayaa si dadban ula socoto lacagaha uu MW Waare ku laalushayo xildihibaanadda. MOL ayaa haysto codad laga duubay kulamadda MW Waare la qaatay Xildhibaanadda. Anaga oo ilaalinayna Xildhibaanada nala wadaagay codadka sirta ah. Waxaan goosanay in aanan hadda soo gubdin laakiin waxaan balan qaadeynaa in aan idinla wadaagi doono waqtiga ay munaasabka noqoto. Dhanka kale MOL waxa ay diyaar u tahay in ay raali galin ka bixiso hadii xogta ay soo gudbiso la cadeeyo in ay been tahay? Waxaanu haynaa cadeeymo iyo xigasho rasmi.