Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Hogaaminta Habargedir ayaa waxa ay ku taageereen Ra’iisal Wasaare Rooble.
Kulanka ayaa ahaa mid dabaaocday eedeymo loo soo jeediyay Rooble kadib markii uu shirkii baroordiiqda loogu sameeynayay Xildhibaan aamino uu ka sheegay in uu yahay la heyste aan waxba ka qaban karin xaalada dalka ku jiro.
Hadalka ka soo yeeray Rooble ayaana keenay in beesha Habargedir u muujiso Rooble si uu ku dhiirado in uu iska celiyo Farmajo iyo Fahad Yasin.
Kulankii maanta ayaa ahaa mid ismuujin, awoodsheegasho loogu muujinayo Farmaajo. Kulanka oo ay gabagabadii ka soo baxday warmurtiyeed ayaa lagu baaqay shir ay isugu yimaadaan beelaha Hawiye.
Qarashka shirka ku baxay waxaa laga boxiyay Xafiiska RW Rooble iyada oo lacagtaas uu soo qaaday Wasiir Cadaalo.