Beesha Habargedir oo si farsamaysan Qoor Qoor ugala wareegtay Kheyre! Maxaa xigi doona?

Reading Time: 3 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Kulan maalmo socday oo ay aqoonyahanada beesha Habargedir ku yeesheen magalaada Muqadisho ayaa waxaa looga hadlay burburka ku yimid beesha Habergedir, gaar ahaan maamulka Galmudug oo mustaqbalkiisa ku dhacay god dheer, maadaam beesha ku heshiin weyday cida mas’uul looga dhigayo.

Kulamadaas ayaa ugu  danbeeyntii waxa lagu go’aamiyay in si buuxda beesha u taageerto Axamd Qoor Qoor isla markaana Galmudug noqoto gundhigii isku xiri lahaa Habargedir. Sidoo kalana Galmudug  ay noqoto fadhigii lagula dagaali lahaa Dowlada Farmaajo iyo kooxaha uu ku adeegto, sida Xasan Khyre iyo Fahad Yasin.

Axmad Cabdisalan Adan oo inta badan soo abaabulay kulamada beesha Habargedir  ayaa ku adkeeyay beesha Habargedir  in ayan marnaba u ogolaan Farmaajo iyo Kheyre in ay u isticmaalaan Galmudug aalad lagula dagaalo beesh Habargedir, gaar ahaan doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo horananta sanadka danbe.

“ … Waxa Galmudug ka ah Madaxweyne nin ka soo jeeda beesha reer Xaaji Saleeman, Ciidanka Nabadsugida waxaa gacanta  loo galiyay nin reer Xaaji Saleemaan ah, Ciidamada kala duwan ee ku sugan Galmudug waxa hogaankeeda haya waa Ceyr iyo Sacad, halka ay maal-galinta adowlada ku sameeysay dhuusamareeb oo ah dhul  Habargedir,  waxa ay nagu tahay doqonimo  iyo ilhaano in Xasan Kheyre iyo wax lamida ay ku tagrifalaan sharafta Beesha Habargedir…” Ayuu yiri Axmad Cabdisalaan.

Dhan kala Axmad Qoor Qoor aya dhankiisa qirtay in lacagta kaga baxaday doorashadiisa uu isaga keensaday, taas oo uu sheegay in ay ka timid iibinta dhul uu isaga ku lahaa magalaada Muqadishu uu iibsaday, sidaas darteedna aysan jirin cid ku abaal sheegan karto.

“…wallaahi lacagta la igu soo doortay aniga ayaa la imid, Xasan Kheyre waxa uu ii sameeyay balanqaadyo iyo in uu lacgataas uu bixinayo, laakiin ilaa iyo hadana waxba kama hayo… Saaxibayaal cid aan faraqa ugu jiro ma jirto, meeshaad ii hogaamisaan ayaan idinla aadayaa… Galmudug-na anaa Maxadweyne ka ah ….qolada Muqadisho joogta oo waqtigooda sii dhamaanaya ma aha in aan ayaga la baxo ama aan la dhinto… “ Sidaada waxa yiri Qoor Qoor oo la hadlayay Siyaasiyiinta beesha Habargedir ee ku sugan Dhuusamareeb.

Waxaa afartii maalin ee u danbeeysay ku sii qulqulayay magaalada  Dhuusamreeb xidhibano iyo aqoonyahahanada beesha Habargedir kuwaas oo u tagay halkaas wadatshi iyo qaabkii loo dardar galin lahaa in ay beeshu  si buuxda ula wareegto Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo isagu ka soo jeedo beesha Ceyr kana tirsan hogaanka Al Sunna ayaa dhankiisa ka sheegay kulankaas in Al Sunna diyaar u tahay in qayb ka noqoto dib u heshiisiinta beesha Habargedir mar hadii Qoor Qoor ka soo go’ayo tuugada  Villa Soomaaliya.

“… Macalinta iyo culamada Al Sunna ma diidana Qoor Qoor, waxaa ay diidanaayeen in Galmudug noqoto aalad uu ku shaqeeysto Xasan Kheyre, laakiin hada waxa muuqato in Qoor Qoor si buuxda uu uga soo go’ay Villa Soomaaliya, diyaarna u yahay in Galmudug gacanta loo galiyo dadka reer Galmudug” Ayuu Yiri Cabdisamad.

Xasan Kheyre iyo Farmaajo ayaa u muuqada kuwa meel cidla ah ku soo dhacay, waxaana shaki ku jirin in Galmudug noqon doonto xurunta mucaaradka Dowlada. Asbuuca danbe ayaa la filayaa in ay halkaas isugu tagaan mucaaradka dowlada oo ka oo jeeda xisbiyada iyo golaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Dhagdheer oo ka soo jeedo beesha Murusade, islamarkaana ahaa dalaalka Xasan Kheyre ayaa dhankiisa dareen ka muujiyay kulanka ay Habargadir isugu tageen Dhuusamreeb, waxa uuna sheegay in ay heshiis la galeen Qoor Qoor isla markaana uu rajaynayo in uusan uga bixin balantaas.

“… Habargedir lama aamini kari, waa dad samada laga soo inkaaray, waxaana macquul ah in Qoor Qoor nagu baaln furo, waana sida hada muuqato oo indhaheena ayaan ku aragnaa, laakiin waan arki doonaa sida xaaladu noqo, lakaiin ilo aan arkayo qaybr kama soo socdo” ayuu yiri Dhagdheer oo la hadlayay qaar kamida beesha Murusade.