Waxa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kulamo looga arinsanyay doorashada Aqalka Sare. Beesha Habargedir oo horay ugu fadhiday kursiga Gudoomiya Aqalka Sare ayaa ka codsatay in kursiga sanadkaan markale loo dhaafo beesha Habargedir.
Dhanka kale Beesha Xawaadle ayaa sanadkan waxa ay garoonka tartanka keentay nin cusub oo dhalinyaro ah, taageero buuxda ka haysata xubanaha Aqalka Sare, dhaqaale ku filana Haysta. Waxa jira dareen guud oo ah in sanadkaan la doorto qof cusub oo aan horay ugu soo milmin syaasadda iska soo horjeeda ee Soomaaliya ka jirta.
Loolan xooggan oo loogu jiro cida nooqneysa gudoomiye kuxigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo doorashadiisa ay ka harsan tahay oo kaliya 3 cisho.
Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo ka soo jeeda Beesha Habargedir iyo Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa haatan u taagan tartanka kursigan, iyadoo meeshii ugu xumeyd uu gaaray dagaalka hanashada booskaas loogu jiro oo ay soo fara geliyaan ilaa madaxweynayaasha labada maamul.
Sida wararku sheegayaan, waxaa fashil ku soo dhamaaday shir saacado badan socday oo Senatarada labada maamul ka soo jeeda ay ku yeesheen hoteelka Jazeera, waxaana dhicisoobay qorshe la doonayay in senetarada Hirshabelle loogu qanciyo iney tartanka isaga haraan oo booskaasi loo daayo Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo hore aqalka hoose uga tirsanaa.
Dhanka Hirshabelle waxaa shirka ku metelayay Senatarada kala ah Dufle iyo Afcadeey, halka dhinaca Galmudug ay ka joogeen Senatarada kala ah Dhagdheer,Zam zam iyo Duniyo, iyadoo arrintan ay xiiso u sii yeeleyso xamaasadda tartanka gudoonka aqalka sare.