Beesha Habargedir oo ku baaqday shirweynaha wadatashiga iyo dib u heshiisiinta beesha (Daawo Video)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa Maanta ka dhacay Hotel Afrique  ee magalaada Muqadishu shirwayne ay isugu yimaadeen waxgaradka, xildhibaanada iyo oday dhaqameedka beesha Habargedir. Shirkaas ayaa waxa uu daba socday shirar horay loogu  qabtay beesha  kuwaas oo looga wadatashanayay  qaabkii loo mideyn lahaa beesha Habargedir isla markaana  loo afajari  lahaa qilaafka beesha ka dhex jira.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salad iyo Xildhibaan Saabir ayaa waxa lagu go’aamiyay in beesh Habargedir isugu timaado shirweyne watashi ah kaas oo ka dhici doona magaalada Hoboyo ee degaanka Galmudug.

Lacagta shirka ku baxayso oo lagu qiyaasay $350,000 waxaa bixinaya beelaha Habargedir oo u qaybsay doonta lacagtaa shanta beelood ee beeshu ka kooban tahay. Shirka ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Xeebta ah ee Hobyo waxa uuna qabsoomi doonaa 15 bisha Juulaay ee sanadkan oo ay hada ka hartay 30 cesho.

Waxaa la rajaynayaa inay shirkaas ay ka soo qayb gali doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha, gaar ahaan qurba joogta.

Kulankaan ayaa noqonayo kii ugu baxadda weynaa ay abid isugu yimaadaan belaha Habargedir waxa uuna culays wayn ku keeni doonaa Dowladda Farmaajo oo beeshu u haysato danbiyo iyo jariimooyin laga galay beesha.

Sanadka 2020 ayaa laga cabsi qabaa in Soomaaliya ay gasho xaalad colaadeed taas oo ka imaan doonto siyaasada Dowlada Fedaraalka oo ku salaysan burburtinta hay’adaha dowliga ah. Waxaa sidoo kale shirar iyaga qabsan doono beelaha kale ee ku dhaqan kunfurta Soomaaliya iyaga oo ka tashanaya sidii looga soo horjeesan lahaa dowlada fedaraalka.

Halkaan ka daawo Shirkii Jaraa’id ee maanta beeshu qabatay: