Kulan ay soo qaban qaabiyeen hogaanka sare ee beesha Habargedir ayaa shalay ka dhacay magalaada Muqdisho. Kulankaas ayaa waxaa ka soo baxay baaq iyo digniin loo diray hogaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Beesha Habargedir ayaa ugu digtay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay ka waan toobaan in ay xoog ku qabsadaan ama maamul ugu sameeyaan deegaano ay degan tahay beesha Habargedir. Beesha Habargedir ayaa u aragto gardaro go’aaanda maamulada loogu sameeynayo qaybo kamida Gobolka Shabeellada Hoose iyada oo aan laga qaybgalin beesha Habargedir.
Beesha ayaa wacad ku martay in ay talaabi cad ka qaadi doonaan Madaxweyne Lafta Gareen hadii uu ku sii adkeeysto go’aanadiisa aan loo meeldayin.
Halkaan ka daawo: