Sida ay Sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa, waxaa gabi ahaanba joogsatay qorshahii la doonayay inay ergadii madax dhaqameedka Somaliland ee la rabay inay ergo ahaan ugu tagaan bahda dhaqanka beesha Dhulbahante si loo xaliyo dhibaatada uu ka dhashay dagaalkii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca iyo sidoo kale barakaca shacabka kunool magaalada Laascaanood.
Go’aankaan ayaa yimid kadib markii madax- dhaqameedkii ka socday beesha Garxajis ay sheegeen inayna raacayn ergada loo dirayo nabada Laascaanood, iyago oo beesha Garxajis ku dooday in markii xukuumada Muuse ku laysay shacabkii ka soo jeeday beesha Garxajis mudaharaadkii ay Hargaysa iyo Burco ka sameeyeen ee ku saabsanaa arimaha doorashooyinka aanay cidna arinkaasi kala hadal.
Dhanka kale, beesha Dhulbahante ayaa si toos ah isaga bari yeeshay inay wadahal la galayaan dhaqanka beesha Isaaq. Waxa kaloo ay sheegeen in ayan jirin wadahadal u dhaxeeya labada dhinac ama u dhaxeyn doona mustaqbalka dhaw.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka ku yimid ergada ayaa sheegay in ay ahayd in ergadu shalay baxdo balse cid aanu magacdhabin ayuu sheegay inay shuruud ku xidheen, sidaa daraadeedna ay maalinta Sabtida ah bixi doonaan.
“Maanta waxay ahayd In Madax dhaqameedku u baxaan nabadda Laascaanood waxaa hakiyay wax aynaan filayn, Waxa shuruud ku xidhay nin dan leh Maantana maahan maalin nabada dan gaara laga horaysiiyo”. Ayuu Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka kuyimid ergada.