Beesh Garxajis oo kamida beela dega Somaliland ayaa ku dhawaaqday in aysan qeyb ka noqonayn dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ciidanka deegaanka ee beelaha ku abtirsada SSC, ayna doonayaan in ay nabad iyo walaalnimo kula noolaadaan Beesha Dhulbahante oo ay deegaan wadaagaan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Garxajis ayaa lagu sheegay in Muuse Biixi uu iyaga (Garxajis) ugu geysto dhibaato magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo intii u dhexrysay bilihii June iyo August, 2022.
“Waxa leh masuuliyadda waxa ka dhacay Laascaanood Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Garxajis.