Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo caawa damcay in uu isugu yeero xildhibaanada Beesha Dir isaga oo doonayay in uu ka codsado in ay ka soo horjeestaan Mooshinka maanta laga gudbiyay MW Farmaajo ayaa cid u timaado waayay.
Mid ka mida xildhibaanada oo la hadlay MOL ayaa sheegay in ay tahay wax laga xishoodo in Farmaajo ciin bidden nin muqayil ah oo aan nolashisaba war ka haynin. Waxa uu yiri ” waxaaba karaamo daro nagu ah hadi aanu nanay beesha direed in uu shaqsi noocaas ah wakiil naga noqdo”
MW Farmaajo ayaa bilaabay in uu caawa albaabada madaxa ku garaaco ka markii mooshin laga geeyay baarlamaanka Soomaaliya.