Beesha Dhulmahante oo ka dalbatay Maxamud Saleebaan In ay MW wareejiyaan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ayaa sheegaya  in Cuqaasha ka soo jeeda beesha Dhulmahante ay ka codsatay beesha Maxamuud Saleebaan  in sanadkaan la siiyo jaagde madaxweynaha iyo ku-xigeenka laysugu daro maadaama cadaw dulfadhiyo, taas oo ay ula jeedaan Soomaliland

Cuqaasha ayaa hadal cad ugu sheegay waxgaradka iyo isimada beelaha Maxamuud Saleebaan inaysan sanadkaan markale qaadan xilka madaxweynaha isla markaana iyaga laysugu daro sanadkaan si ay Somaliland isaga qaadaan.

Dhanka kalena, qaar kamid ah cuqaasha ayaa waxa ay sheegeen in siyaasiyiinta Puntland gaar ahaan beelaha Maxamuud Saleebaan ay Puntland dibudhac ku keeneen loona baahan yahay inay sanadkaan sharafta ka raaceen. In mudo ah ayaa belaha ka soo jeeda Dhulmahante ay doonayaneen in ay hogaanka u qabtaan Puntland laakiin kala qaybsanaantooda iyo hogaan xumo heshay beesha ayaa keentay in ay u kala jabaan Puntland iyo Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here