Sida ka muuqata waraaqdaan halkaan ku lifaaqan hogaamiyayaasha reer waqooyiga ee beesha dhexe waxaa mar waliba ka go’ayneyd inayan u caddaalad falin dadka la deggan gobollada waqooyi oo uu degaanka mideeyey.
Qoddobada waraaqdaan ku qoran waxy muujinayaan mu’aamarad soo jireen ah oo ay beesha dhexe la damacsaneyd weligeed beelaha darfaha, taas oo ay ilaa maanta ku taagan yihiin.
Dagaalka Beesha Laascanood degtaa lagu hayo ma oo kaliya dhacdo caadi u dhacday oo haddii taas la xalliyaa halkaas ku dhamaaneysa ee waa qorshe soo siren ahaa Iyo digniin loo dirayo beelaha kale ee darfaha kuwaas oo ku khasban inay dareen ku joog ahaadaan mar waliba.
Haddii beesha dhexe ay ka cabaneysay in maamulkii awoodda badnaa ee Maxamed Siyad oo ay ka mid ahaayeen uu dagaal ku qaaday maanta waxaa laga filayey inay la yimaadaan waddo aan taas ahayn oo ay wax ku xalliyaan dareenka iyo cabashada beelaha kale.
Laakiin waraadaan oo la qoray horaantii 1991 inay beesha dhexe mar waliba lahayd qorsho ah inay dalka kala goyso, beelaha kalana khasab ku hayso iyagoo ciddii ka hortimaadana la goostay in dabka la saarto sida ay haddaba sameysay.
Qoraalkaas halkaa ka akhriso.