Beesha Ceyrey Culusow oo noo jooga Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Cali Yar inay na Marin Habaabiyaan sow Ceeb Maaha.?

Inkastoo aysan beeshenna Ceyr u gaar ahayn oo beelaha oo dhan nala qabaan haddana waxaa magac xumo iyo dhaxal xumo noogu filan inay na hor boodahayaan rag lagu yaqaan fashilka iyo kuwo  lagu yaqaannoo dhibaatada iyo culeyska weyn ee dib u dhaca  ah oo ay beesha ku hayaan.

Maanta waxaa la joogaa xelligii aan tashan lahayn oo aan la soo bixi lahayn hal doorka ay beeshu leeahay, waana xelligii  meel la iska saari lahaa kuwa dabadhilifyada ah iyo kuwa hurguriga uu ka horreeyo. Beesha waxay degan tahay dhulka ugu qanisan Soomaliya waxayna leedahay aqoonyahnno wax hogaamin kara, kana hortagi kara dhibaatada nooga soo socota kooxdan Sufo oo  uu hogaamiyo oday  Maxamuud oo ahayd waqtigaan inuu masaajidka u bato oo uu iska cibaadeysto iyo wadaad Shaakir oo aan hogaamin iyo dowlad meel laga maro wax  qaoon ah u lahayn oo xerow iska ahaa.

Dhinaca kale haddii sida  xun ee Xasan Kheyre beesha la rabo ay ku dhacdo waxay noqonee bartilmaameed ay dayuuradaha droneka ah naga laayaan caruurta iyo Haweenka waayo wadaaddaada diinta ku qaraabta waxay noo horseedayaan dhaxal xumo xanuun badan oo nagu reebta  dhib badan, waayo fikirka Macalin Maxamuud ee beesha Ceyr waa inuu nagu abuuro koox diin ku qaraabata sida xisbullah oo noo soo jiida in mar waliba ay Itoobiyaanku xadka beenaadka nooga soo gudbaan iyadoo walaaha kale beelaha ee nala dhashay ama nala degaa ay horumarkooda ka shaqeynayaan.

Waxaa haboon in beeshu tashato oo ay codkeeda iyo maqaamkeeda la tagto  shirka Hobyo waxna la qeybsato beelaha la dhsahay. Xasan Cali Kheyre oo marka uu godka nagu rido naga soo tahagaya waa inaan maanta ka yeelin seexseexadka beeneed ee Cali Yare iyo Qarafaan oo adeegtada uga yhiin uuna isaga isaga soo hor marinayo.

Haddii Maxamuud Maxamed Culsow oo intaas dowladooda la soo shaqeeyey uu kuu joogo waa doqonimo inaad ku meermeerto Cabdiraxman Cabdishakuu, Cali Yare iyo Sabriye Qarafaan. Adigoo waliba la hayste u ah Macalin Maxamuud oo dantiisa maahee aan wax kale  ka shaqeyneyn oo sida aan oganahay na iibsaday, hasa yeeshee looga baxay beecii uu naga iibsaday, kadibna fidno kiciyey.

Isku soo duub Ceyrow iyadoo uu culusow kuu joogo waa ceeb waxa aad Cali Yare, Cabdiraxman Cabdi Shakuur, Shaakir, Qarafaan, Cabdisamad iyo Macallin maxamuud ugu meermeertaa waa inaan si Sharaf leh uga dhex muuqannaa gogosha Hobyo, hiil iyo hoona la garab istaagtaa walaalaha halkaas ku shirsan si Galmudug oo awood leh aan usoo dhisanno, sufo- iyo seefta Kheyre ee laba aflada ahna aan meel iskaga saarno. Ogow Ceyr waxaa deeqa waxa ay gogosha walaalahood ka soo helaan ee ma deeqaan wax uu kheyre ku  kala iibsaday.

Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajeynahayaa.

Cabdisalan M Guuleed.

[email protected]

 

Fikradda Qoraalkan waxay u gaar tahay qoraha Maqaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here