Beesha Cawlyahan oo lagu wareejiyay qandaraasyo iyo lacago ay leedahay DFS (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Duulist Hawada ee Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Mahamed Abdullahi Salad Oomaar ayaa waxa uu afar qandaraas oo aan la shaacinin siiyay beesha uu ka dhashay ee Cawlyahan, Ogaden. Wasiir Omaar ayaa sidoo kale waxa uu mushaar joogta ah ugu qoray Wasaarada Duulista Hawada qaar ka mida oday dhaqameedka beesha  Cawlyahan. Lacagta dadkaas loo qoray ayaa waxaa lagu qoray in ay la taliyayaal u yihiin wasaarada halka qaar kale lagu magaacabay in ay ka shaqeeyaan Garoomo diyaaradeed ee aan jirin.

Mar uu dhawaan ku tagay safar magaalada Gaarisa  ee dalka Kenya ayaa  beesha Cawlyahan waxa ay Wasiirka  uga mahadceliyeen lacagaha uu siiyay, gaar haan qandaraasyada la siiyay qaar ka mida beesha Cawlyahan oo aanba ku noolaynin dhulka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa damac uga jiraa in uu kursiga ka kacsado Madaxweyne Axmad Madoobe isaga oo garab ka haysta Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Halkaan ka daawo beesha Cawlyahan oo u mahadcelinayso Maxamed Cabdullahi Oomaar:

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!