Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo lagu wado in ay war ka soo saaraan doorashadii Lafta Gareen

Reading Time: < 1 minute

Sida aan ku helnay xog naga soo gaartay qaar ka mid ah hay’adaha caalamka iyo wadamada daneeya Soomaaliya ayaa lagu wadaa in aay si wadajir ah u soo saaraan baaq ay ku sheegayaan in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo bishii Desember ee sanadkii hore isla markaana aanay la shaqeyn doonin hoggaanka lagu doortay sida sharci darada ah.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dhammaan intii ku lugta lahayd xasuuqii ka dhacay Baydhabo ee ay ku dhinteen 15 qof oo shacab ah laga gudbiyo dacwad ka dhan ah ku xadgudub xuquuqul insaan iyadoo lagu wado in qaar ka mid ah hoggaanka sare iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah lagelin doono cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ururka u dooda xuquuqul insaanka ee lagu magacaabo Human Rights Watch.

Dowladda Federaalka ah ayaa si qasab ah doorasho been abuur ah ugu saartay hoggaanka Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyadoo mudaaharaadyo ay shacabka ku diidan yihiin faragelinta lagu dilay 15 qof oo shacab ah halka boqolaal kalene xabsi la dhigay muddo ka badan toban maalmood, kuwaasoo loo diiday in ay waalidiintooda booqdaan, labadii maalin ee ugu horreysayna aanan la siin raashiin iyo biyo.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay ciidanka AMISOM ee Itoobiya in ay ka danbeeyeen tacadiyada ka dhacay Baydhabo, taasoo sida loo maleynayo uu RW Itoobiya lug kulahaa cayrintii dalka laga ceyriyay wakiilkii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!