Beesha caalamka oo warmurtiyeed ka soo saartay safarkii maanta ee Kismaanyo

Reading Time: < 1 minute

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen wafdigii maanta booqday magaalada Kismaanyo ayaa waxa ay kaga hadleen  safarkoodii iyo waxyaabihii ay kala kulmeen Kismaanyo

Qoraalka ayaa lagu xusay  culayska horyaala dadka reer Jubbaland iyagoo isla markaasna bogaaday qaabka nabadda ku dhisan ee loo wado geedi socodka Doorashada Jubbaland

Qoraalka ayaa waxa uu xanbaarsanaa afara fartiimood oo muhim ah:

  1. Beesha Caalamka waxa ay aqoonsan tahay oo kaliya hal geedi socod (one process) kaas oo ah kan ay hogaaminayaan Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ee marka la soo gaabiyo lagu yiraahdo afka Ingiriska JIBEC. Taas macnaheedu yahay waxaa beesha caalamka aqoonsan tahay baarlaamka ay soo xuleen Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashada.
  2. Waxa ay kula taliyeen dhamaan dadka isku haysta doorashada in ay ilaaliyaan nabadda isla markaana qilaafka jiraa lagu xaliyo si nabad ah iyo wadahadal ah.
  3. Waxa ay kula taliyeen in gudiga doorashada madax banaan in isku dayaan in ay turxaan bixiyaan geedi socodka doorashada inta ka hartay xiliga la dooranayo madaxweynaha.
  4. Ugu danbeeyntii beesha caalamka ayaa ka gaabsatay in ay ka hortimaado ama diido qaabka doorashada loo hogaaminayo taas oo wadada u sii xaartay in dhawaan la qabto doorashada madaxweynaha

Qoraalka ayaa u muuqda mid ka tarjumaya dareenka beesha caalamka oo ka kooban dhowr hay’adood oo kala duwan. Waxaana uu  muuqdaa mid si dadban u taageeray geedi socodka doorashada Jubbaland iyaga oo ku aamanay hogaanka Jubbaland iyo sida ay u maareyeen doorashada.

Halkaan ka aqriso qoralkaas oo ku qoran luuqada Ingiriiska

https://unsom.unmissions.org/au-igad-and-un-senior-representatives-engage-stakeholders-jubalands-electoral-process?fbclid=IwAR3XNi6nZb90UWEm7S419alybNvoXqrsLzy6Ns4tsRSFuCtzv07USTAtlIY