Dalal badan oo ka mid deeq bixiyaasha iyo wadamada beesha caalamka aya war ka soo saaray dibadbaxyada iyo rabshadaha siyaasadeed ee ka socda magaalada Baydhabo, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay aad uga xun yihiin dhimashada Shacabka iyo faragelinta lagu hayo doorashooyinka Koofur Galbeed.
Beesha caalamka aya ugu baaqday Dowladda MW. Farmaajo in ay faraha kala baxdo doorashada isla markaana tixgeliso maamulka Koofur Galbeed, Waxay qoraalkooda ku sheegeen in si degen loo raaco nidaamka doorashooyinka ay sameysteen maamulka si ay u dhacdo doorasho xalaal ah.
Warkan aya imanayo xilli ay oday dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Koofur Galbeed ay ku baaqeen in dib loo dhigo doorashooyinka