Beesha Calaamka oo horay u taageertay una soo dhaweeysay shirka Garowe ayaa hada waxa ay muujinaysaa walwal ay ka qabaan in kulanka Garowe ku dhamaado Fashil. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa hadda lagu cadaadiyay inuu heshiisyo wax-ku-ool ah la galo maamullada ka jira dalka, kaddib kulan uu si qarsoodi ah kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia.
Danjire Donald Yamamoto iyo safiirada kale ee u fadhiya beesha caalamka Soomaaliya ayaa ku boorinaya Farmaajo inuu soo af-jaro dhammaan khilaafyada kala dhexeeya madaxda maamullada waddanka ka jira, kuawasoo uu sheegay inay qabaan tabooyin ku aaddan habka ay DF wax ku waddo.
Beesha Caalamka ayaan manaba doonaynin in shirka Garowe uu ku dhamaado fashil taas oo keeneysa in aan dib la isugu soo noqon. Dowladda Somalia ayaa waxay weli u muuqataa inay dhan isaga riixayso cabashooyinka ay maamul-goboleedyada qabaan qaarkood, inkastoo ay ogolaatay inay qaarkood ka tanaasul ka muujiso.