Iyadoo ay sii kordheyso walaaca laga qabo muddo kororsiga uu damacsan yahay MW Farmaajo ayaa waxaa saaka walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka in ay ka dhalan karto amni xumo iyo dagaal siyaasadeed Somalia dib ugu celiya halkkii aay ka timid wakiilka Midowga Yurub ee Somalia.
Waxaa sidoo kale walaacaas mid la mid ah muujiyay Safaaradda Sweden ee Soomaaliya oo sheegtay in aay la wadaagtay walaaca uu qabo Safiirka Midowga Yurub ee la xiriira cawaaqib xumada ka dhalan karta dib u dhaca ku yimid waqtigii Guddiga Doorashada Qaran uu ku hor imaan lahaa Baarlamaanka ee ku aadan qabashada doorasho xilligeeda ku dhacda.
MW Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah iyadoo ay ka dhiman tahay muddo xileedkiisa wax ka yar 256 maalmood. Qorshahan muddo kororsiga ayaa la rumeysan yahay in ay ka dhalan doonto qalalaase siyaasadeed iyo mudaaharaadyo rabshada wata marka lagu dhawaaqo muddo kororsi loo sameeyo MW Farmaajo.