Gollaha dhaqanka ee Beesha Dhulbahante ayaa waxa cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka oo xalay ilaa maatay qadka taleefanka kula hadlaysay madaxda dhaqanka beesha Dhulbahante.
Waxaana beesha lagu dhiirigaliyay inay soo dhaweeyaan dhankooda xabadjoojinta ay dowlada Somaliland ku dhawaaqday. Dhanka kale aqoonyanada beesha ayaa kula taliyay salaadiinta inay dhankooda ku dhawaaqaan xabadjoojin si aan beesha Dhulbahante aan lagu eedaynin in ay iyagu wadaan dagaalka.
Iyada oo taas lagu duulayo ayaa dhaqanka beesha Dhulbahante ay sheegay inay aqbaleen xabbad joojintii ay Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, ayna diyaar u yihiin wada-hadal iyo nabad. Isimadu waxay hadalkoodan ku sidkeen labbo shuruudood oo kala ah.
1- In Ciidamada Somaliland laga saaro deegaankooda.
2- In Somaliland raalligelin ka bixiso inay dadka reer SSC gaar ahaan Laascanood ku sheegto Argagixiso.
Iyada oo ay labada dhinac ku dhawaaqeen xabad joojin ayaa hadana waxa maanta si xoowli ah u socda dagaalka iyada oo ay dowlada Puntland ay si toosa ugu soo biirtay dagaalka.