Beesha Caalamka ayaa maanta ugu digtay Farmaajo iyo Xasan Khyere in ay qoraal falcelin ah ka soo saaraan heshiiskii Madaxweyne Axmad Madoobe iyo madaxdii isbadal doonka oo ay hogaaminayeen Cabdinasir Seeraan iyo Cabdirashidd Xidig.
Heshiiska oo maalintii shalay ahayd lagu kala saxiixday magalaada Nairobi ayaa waxa durbadiiba soo dhaweeyay beesha caalamka, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay qoraal taageero ah ka soo saaraan heshiiskaas. Farmaajo ayaa u arkay Heshiiska Nairobi in uu yahay mid ka soo horjeedo danahiisa gaarka ah iyo mida beesha uu ka dhashay.
Farmaajo ayaan wali ka quusan in uu si aan gabasho lahaynin uga horyimaado heshiiskaas laakiin waa ay ku adkaan doontaa in uu qoraal toos ah oo ku diidan yahay heshiiska madaxda Jubbaland ay doowladiisa soo saarto.
Madaama Farmaajo uu ku fashilmay in uu si toos ah uga horyimaado heshiiska Jubbaland, waxa uu shalay iyo maanta dhaqaale badan ku bixiyay in kooxaha dadka uga caayo baraha bulshada ay qaadaan olole looga soo horjeedo heshiiskaas, waxa aadna ku arkaysaa baraha bulshada kooxii isaga u shaqeeynayay oo dacaayad dagaal ka wada baraha bulshada.
Sidoo kale waxa uu qadka taleefanka kula hadlay qaar ka mida mucaaradka Axmad Madoobe kuwaas oo lagu amray in ay wareeysiyo ay uga soo horjeedaan heshiiska Nairobi siiyaan idaacaha iyo taleefishinada dalka. Waxaa nasiib xumo ah in kooxaha uu dagaalka galiyay ayan isweydiinin sababta ay dowlada Farmaajo uga hadli la’dahay heshiiskaas inta aan iyaga loo isticmaalin in lagula dagaalo Axmad Madoobe.