Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saaratay maalintii shalay ahayd ku muujisay walaac ay ka caban isku-dhaca hubeysan ee ka dhacay duleedka Magalaada Garowe. Isku dhacaan ayaa yimid ka dib markii mucaaradka ka soo horjeeda geedi-socodka doorashda Puntland ay isku dayeen inay xoog ku joojiyaan waraaqaha codeynta oo loo waday deeganada doorashadu ka dhaceyso.
Beesha Caalamka ayaa gabi ahaanba ka hortimid in xoog dagaal loo isticmaalo ka hortaga ololaha dimoqoraadiyada ee ka socda Puntland. Waxa ayna si toosa u taageereen ololaha doorashada ka socota Puntland ee la filayo inay dhacdo bishaan 25keeda.
“Rabshaddo xal maaha,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamka. Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli mucaaradka Puntland ay soo jeedisay hakinta doorashada khilaafka hareeyay iyo wadaxaajood dhab ah.
Mucaaradka Puntland oo shir ku yeelatay magaalada Garowe labadii maalmood lasoo dhaafay ayaa soo saartey baaq ku wajahan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedkan.