Beesha Caalamka ayaa si farsameysan u soo dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf Kaas oo uu ku sheegay in la hakiyay Kurisga sumadiisa uu tahay HOP086 ee uu Fahad Yaasiin sheegtay.
Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijadooda kuraas sadax ah sababo la xiriira iyada oo la baalmaray habraaca doorashada. Saddex kursi ayaa kala ah: HOP154 oo loo doortay Sareedo Maxamed Cabdalla, HOP103 oo ah kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari iyo HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin
Beesha Caalamka ayaa aad uga xumaatay in doorasho lagu qabto magalaada Baladweyne iyada oo meydka yaalo wadooyinka magalaadda. Waxaana nasiib xumo ah in arintaan arxan darida ah ayan wali ka hadlin dadkii ku noolaa deegaankaas, kana soo jeeday dadka halkaas lagu xasuuqay.