Beesha caalamka oo soo dhawaysay geedi socodka doorashada Jubbaland (aqriso)

Reading Time: 2 minutes

Qoraal ka soo baxay galabta xafiiska wakiilka gaarka ee Qaramada Madoobay ee arimaha Soomaaliaya Mudane James Swan ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay soo dhawaynayaan habsami u socodka doorashada Jubaland.

James Swan ayaa qoraalkaan  soo qaray isaga oo wakiil ka ah beesha caalamka, waraaqda waxaa ay ku socotay madaxa gudiga doorashds ee Jubbaland mudane Xamza Cabdi Bare.

Beesha caalamka ayaa guud ahaan soo dhawaysay guud ahaan talaabooyinka uu qaaday gudiga waxa ayna ku baraarujiyeen in ay hoowshooda sii wataan iyaga oo la saxayo wixii qaladaad ah ee jira.

Dhanka kale James Swan ayaa ku sheegay qoraalkiisa in ay jiraan labo arin ay ka cabanayaan qaar ka mida musharaxiintii aan isdiiwaan galin kuwaas oo kala ah: 1)  qaabka looga xulayo hal qof sadaxda qof oo ay odoyaashu soo gudbiyeen 2) turxaan bixinta cabashda ay sheeganayaan musharaxiinta u taagan doorashada iyo si waafi ay uga qayb qaataan doorashada hadii ay macquul tahay.

James Swan ayaa si sharafleh uga “codsaday” gudiga in ay faahfaahin ka soo siisiyaan labadaas qodob taas oo macnaheedu yahay in lagu qanciyo kooxaha ka soo horjeedo geedi socodka doorashada in su’aalahoodii la hordhigay lana waydiiyay gudiga.

Waraaqda oo u qornayd qaab diplomaasiyadeed ayaa waxa ay xanbaarsanayd shan fartiimood oo muhim ah:

  1. Gudiga rasmiga ah oo aan aqoonsanahay waa kan uu hogaamiyo  Xamsa Cabdi Bare, wixii maanta lagu dhawaaqay ma aha sharci, beesha caalamkana ma aqbali doonto
  2. Marnaba cid laga yeelayo in dagaal laga abuuro Kismaanyo ma jirto, wax kastaa waa in wadahadal lagu dhameeyaa
  3. Dowlada Fedaraalka oo loo diray digniin ah in ay jooojiso faragalinta ay ku hayso Jubbaland
  4. In la muujiyo in cabashadii musharaxiinta mucaaradka la xusay cabashadoodii isla markaana loo gudbiyay cida ay qusayso
  5. In beesha caalamka goobjoog ka ahaan doonto maalinta doorashada.

Qoraalka galabta ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa uu daba socdaa kii maanta IGAD soo saartay oo isna gudbiyay fartiin la mida midka James Swan soo gudbiyay.

Beesha caalamka ayaa labadii maalin ee u danbeeysay isku haysatay qaabka loo wajahayo qalaalaasaha ka jira Jubbaland. Wadamada qaar ayaa diidanaa in la faragaliyo halka qaar kale ay ku talinayeen in deg deg loo faragaliyo. Go’aankii ay musharaxiinta diiday in ay isdiiwaan galiyaan  ay ku magacaabeen gudi doorasho ayaa keentay in si deg deg ah looga hadlo xaalada Jubbaland. Waxaana ay taa dhaawacday sharafkoodii iyo karaamadoodii waxaana loo arkay musharaxiintii hore dad doonayo in ay dagaal ka abuuraan Jubbaland.

Halkaan ka aqriso warqada oo buuxda: