Beesha Caalamka oo shuruud adag ku xirtay bixinta lacagta Doorashada [Sabata]

Reading Time: < 1 minute

Fulinta Heshiiskii labaad ee Doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, iyadoo ay Wakiilada Beesha Caalamka shardi adag ku xireen dhaqaalihii laga filayey.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ay gaarsiiyeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble in bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya Doorashada haddii ay ku dhaceyso xilliga loo asteeyay.

Kulamo ay yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay dib u dhaca heysta fulinta heshiiska Doorashada ee la saxiixay 27 May 2021, iyo walaac ku saabsan in dhinacyada qaar ay doonayaan in doorashado daba dheeraato.

Wakiilada Beesha Caalamka waxay go’aansadeen inaysan bixin dhaqaalaha Doorashada haddii ay kadib marto Ogost 2021, taasoo ay si cad ugu sheegeen Madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha.

Arrintan ayaa Rooble ku dhalisay culeys kale oo ku saabsan sidii uu dardar gelin lahaa fulinta heshiiska Doorashada oo fulinta qodobkii ugu horeeyay ee Guddiyada aan weli la dhammeystirin xili 15 maalmood ka badan laga joogo saxiixa heshiiska, loona qabtay muddo 5 maalmood ah.