War kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah Khilaafka loo dhameeyo si loo amba qaado howlaha horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
hadalka beesha caalamka aya wax laga xumaado ku timaamtay xiisada haatan ka dhex tagan baarlamanka iyo xukuumada iyo iyado shegtay in la ilaaliyo dimuqradiyada oo an la sameynin go’aanka kali talis ama mid awooded.
Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.
“Bulshada caalamku waxay ku boorineysaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Tani waxay u baahan tahay inay ku jirto ilaalinta meelo dimuqraadi ah. Hawlaha kordhiya xiisadaha keena rabshad suurtagal ah waa in laga fogaadaa dhammaan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Weerer Xoogan oo geed an logu gaban ayu Raiisul Wasaare Kheyre ku qaaday Baarlamanka iyo Gudonkisa iyado xildhibanada qaar logu gudiyay in ay moshinkasi saxiixan ama la dilayo,sido kale Xarunta Golaha Shacabka waxa la waregay xalay Ciidamo ka amar qaata Kheyre iyado Raiisul wasaraha uu kaga gol leyhaya in Xildhibanada ku cadaadiyo in sameyaan waxa uu doonayo.