Beesha caalamka oo qaadacday ka qeybgalka doorashada Baydhabo (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa qaadacay ka qeybgalka doorashada lagu wado in ay berrito ka dhacdo magaalada Baydhabo, wakiilada ururka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Doorashada Baydhabo oo dhextaal u ah ismaandhaafka siyaasadda ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqday siyaasiyiinta dhaliishan dowladda Federaalka ah.

Sida wariyaha MOL ee Baydhabo uu soo warinayo waxaa ilaa hadda aanan la soo gaarsiin lacagtii loo ballan qaaday musharax C/Casiis Laftagareen wuxuuna maanta oo dhan telefon ku raadinayaa MW. Farmaajo balse uu heli la’ayhay, sida uu u sheegay xildhibaano badan oo uu balan qaaday lacago.

Laftgareen aya u sheegay xildhibaanada “Waxaan heli la’ahay MW. Farmaajo, fadlan ii dulqaata inta aan ka helaayo. Weli ima soo gaarin lacagtii la iga balan qaaday, marka aan helana anigaa idiin yeeri doona” Ayuu yiri Laftagareen.

Sida MOL ay xog ku heleyso waxaa laga yaabaa in saacadaha soo socda ay warqad ka soo baxdo dowladda Federaalka taasoo lagu sheegi doono in ay doorashada dib u dhacday ilaa sanadka cusub.

Xaaladda siyaasadda aya mareysa meel halis ah, haddii ay doorasho ka dhacdo Baydhabo waxaa cirka isku sii shareeri doono dibadbaxyada, waxaana aad looga cabsi qabaa isku dhac hor leh oo ka dhex bilowda shacabka iyo Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Itoobiya kuwasoo ku jooga codsi MW. Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!