Beesha Caalamka oo noqotay ergada kaliya ee garnaqsi loogu tago – arimaha doorashada

Reading Time: < 1 minute

Safaraadaha ka jooga   Caalamka xarunta xalane ayaa noqday goobta galiya ee garnaqsi loogu tagayo marka laga hadalayo  arimaha doorashada iyo eedaha ka jira. Madaxda dowlada ee kala duwan ayaa si toos iyo si dhuumaalaysi ah ugu taga beesha caalamka ayaga oo ka dacwoonaya eedeeha cadaalad daro ay sheeganayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan xubno katirsan guddigaasi ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Guddoomiye Muuse Geelle iyo xubnaha la socday ayaa Amb Mrs Kate waxa ay ka wada hadleen doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee dalka ka socota iyo caqabadaha ku gaddaaman xiligan iyo caqabadaha haysa.

Waxa ayna labada dhinac kulankooda hoosta uga wada xariiqeen muhiimadda ay leedahay in doorashado u dhacdo si hufan oo lagu kalsoonaan karo sidoo kale lagu dhameestiro xiligii loo qorsheeayay. Gudiga Doorashada ayaa dareemaya culays xoogan oo soo foodsaaray iyaga oo rajo ka qaba in beesha caalamka soo faragaliso.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo Muqdisho ayaa wali la sheegayaa in uu hareeyay musuq maasuq loona diiday musharaxiin dhoor ah in ay u tartamaan kuraasta gollaha shacabka.